Allbanaadir.com
NEWS

Senator katirsan baarlamaanka Kenya oo la xiray iyo dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsi dhigay senator katirsan baarlamaanka dalkaasi , kaa oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal la xariira musuq maasuq lacageed iyo wax isdaba marin.

Senator Jackson Mandago ayaa lagu eedeeyay inuu is daba mariyey ku dhawaad ​​toddobo milyan oo doollar, oo laga lunsaday sanduuqa waxbarashada caalamiga ah, waxaana senatorkan ku socda baaritaano la xariira dambiga lagu soo eedeeyay.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in senatorka iyo saddex ruux oo kale wajahayaan lunsasho lacag badan oo loogu tala galay horumarinta waxbarashada, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay xubnahan ku takrifal awood xafiiseed.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay cid kasta oo xaday ama ku takrifashay dhaqaalaha loogu tala galay barnaamijka waxbarashada dibadda looga fadhiyo in lacagtaasi soo celiyaan ama cawaaqib xun la kulmi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Xiddigii Galmudug koobka kula guuleestay oo Dhuusomareeb ku geeriyooday

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ku martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada shir wadatashi ah

admin

Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Madaxweyne Deni oo fashil kusoo dhamaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---