Aaden Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay khilaafka Maamul goboleedyada & dowlada dhexe

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen jahwareerka dhinaca siyaasadda.

“Waxaa talo iga ah in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiiyaan, una daneeyan waqti walbo duruufaha shacabka iyo dalka oo ay iyagu dhexdooda aanay isku soo noqon” ayuu yiri aadan Barre.

Nabadgelyo iyo xasillooni Soomaaliya ka dhacda ayuu sheegay iney dan ugu jirto dhammaan dadka Geeska Afrika, taasna ay fursad u siin doonto in shacabka Soomaaliyeed uu soo ceshto sharaftii iyo sumcaddii uu Afrika ku dhex lahaa.

“Waxaan leennahay weliba odayga ugu sarreeya waa Madaxweynaha ayaa la rabaa in uu u dulqaato ragga madaxda ka ah dowlad goboleedyada” ayuu yiri xildhibaanka.

Siyaasigan ayaa sheegay in arrintan ay ku dhalisay culeyska uu leeyahay khilaafka aan xalka laga gaarin ee mudaba ka taagnaa Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli kala qeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -