(Daawo Sawirro) Taliyaha Booliska & Wakiilka QM ee Somalia oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha booliska  Somalia  Bashiir Cabdi Maxamed (Ameriko) iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale, waxaana Gaalkacyo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Masuuliyiintan ayaa waxay booqan doonaan xerada Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo xarumo kale oo Magaaladaas ku yaalla.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa la sheegay iney la xiriirto dardar gelinta howlaha nabadeynta Gaalkacyo iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -