Qaybtii 3aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

Kobcinta Ganacsiga :-Xukuumadda ayaa dedaal badan gelisay horumarinta ganacsiga iyo warshadaha, fududeynta ganacsiga, dhiirigelinta Maalgashiga, kor u qaadista dhoofka xoolaha iyo waxyaabaha kale ee dalka ka soo go’a, shuruucda siyaasadaha iyo wax soo saarka gudaha, waxaana heshiisyo arrimahaas khuseeya lala galay Turkiga, Masar, Sudan, Cummaan iyo Baxreyn, waxayna Somalia ka mid noqotay ururo ganacsi oo iskugu jira heer goboleed iyo heer caalami sida COMESA, iyadoo meel fiican la gaarsiiyey qorshaha ku biirida suuqa ganacsiga Adduunka. Sidoo kale Xukuumada ayaa ku guuleystay sharciga ganacsiga, sharciga tayo dhowrka, dhismaha heyadda tayo dhowrka Qaranka, sharciga leysimada & sharciga sumadaha, waxaana dib u eegis lagu sameeyey sharciga maalgeshiga shisheeye ee Somalia.

Si loo fududeeyo ganacsiga waxaa la sameeyey habka casriga ah ee Online-ka lagu diiwaan geliyo shirkadaha ganacsiga, iyadoo 30 sano ka dib la bilaabay diiwaan gelinta sumadaha ganacsiga oo maalgeshiga iyo ganacsiga muhiim u ah.

Xoojinta Nidaamka federaalka :-

Intii uu xafiiska joogay Khayre waxaa uu dedaal xooggan geliyey kobcinta hanaanka federaalka iyo sidii loo hirgelin lahaa shuruucda dhidibada loogu taagi lahaa dowlad federaal ah oo ka shaqeysa danaha dalka, awooduhuna ay u qeybsan yihiin. Khayre ayaa 45 maalin oo xiriir ah ku sugnaa Dhuusamareeb isagoo Juhdi iyo dedaal badan geliyey dib u dhiska Galmudug loo dhan yahay oo ugu dambeyn lagu guuleystay.

Qabyo-tirka Dastuurka  :-

Wasaarada dastuurka, Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee Baarlamanka oo si joogto ah waqti badan u geliyey qabyo tirka dastuurka ayaa dhamaadkii sanadkii 2019 waxay soo gebagebeeyeen howlaha dib u eegista dastuurka, wax ka bedelka iyo wax ku kordhinta dhammaan qodobada la isla ogolyahay, iyagoo Maarso 2020 soo dhameystiray wadatashiyo ay la sameeyeen dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Haddaba si Somalia ay u hesho dastuur dhameystiran waxaa lagama maarmaan aheyd inay wada fariistaan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada heshiis siyaasadeedna laga gaaro dhamaan qodobada u baahan wadaxaajoodka ee lagu kala aragtida duwan yahay, mana suuragalin arrintaas sababo la xiriira xiriirka DF iyo dowladaha xubnaha ka ah oo liitay awgeed.

Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta :-

Waxaa lagu guuleystay deminta colaado sanado badan ka taagnaa degaano ay ku nool yihiin dad walaalo ah oo ay ka mid aheyd dagaalkii mudada shanta sano ah ka taagnaa degaanada Xeraale iyo Huurshe ee gobolka Galgaduud iyo colaado gaamuray oo ka taagnaa gobolada Sh/hoose, Mudug iyo meelo kale.

Waxaa lagu guuleystay in la sameeyo Siyaasada dhab u heshiisiinta Qaran oo noqoneysa hanaan dalka looga hirgelinayo nabadeyn waarta

Adiga Sidee u aragtaa ….?
La soco Qaybta 4 aad Insha Allah
W/Q/ Abdirahman M Hussein
Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Qaybtii 2aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

- Advertisement -