Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) DF iyo Dowlad goboleedyada oo 3 arrin ka wada hadlaya & Puntland oo..

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda maalintii labaad kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha xeerka mideynta Canshuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka.

Wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u  leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta hannaanka canshuuraha,  dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibada caalamiga ah ay ku taageeraan  guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Shirkan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamulkaas, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkan sida ay sheegtay Wasaarada Maaliyada Somalia

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Sabriye & Xaliimo Yarey oo sheegay in wax laga bedelay Sharciga Axsaabta Siyaasadda

Caydiid Ali

Meydad laga helay jid ku yaalla Nottingham iyo nin 31 jir ah oo loo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ma dhab baa in dowlada Qatar ay bixineyso dhaqaale lagu weeraro Jubbaland & Galmudug?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---