Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Xasan Shiikh oo arrimo xasaasi ah kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xad-gudubka dowladda Itoobiya ee madax-bannaanida dalka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay u dhiman doonaan difaaca dhulkii aabaayaasheen iyo awoowayaasheena isagoo xor ah uga tageen aysana jirin wax ay ku bedelan doonaan.

“Dhulkii aan ka dhaxalnay aabayasheen iyo awoowayasheen ee isagoo xor ah ay nooga tageen ayna diideen in ay taako ka mid baxshaan, anagana waa u dhimaneynaa, si jiilalka dhalan doona, aan uga tagno isagoo xor ah” ayuu yiri Madaxweynaha

HOOS KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA IYO KHUDBADA MADAXWEYNAHA

Related posts

Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay saraakiisha ciidamada DF

Caydiid Ali

Xildhibaan Dacwad ka gudbinaya Warbaahinta dowlada iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay inuu sameynayo isbedelo aan caadi aheyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---