Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo labo qodob kala hadlay Wakiilka QM u qaabilsan Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey al-shabaab iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo kooxdaas uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsan yihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada AMISOM oo dil & dhaawac u geystay dad shacab ah ka dib qarax lala beegsaday

Caydiid Ali

Meydka Askari Ciidamada AMISOM ku dileen Muqdisho oo la diiday in la aaso

Cabdi Cade

Qorshe talaalka COVID-19 loogu qeybinayo deg. Muqdisho oo la soo bandhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---