Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Askari Ciidamada AMISOM ku dileen Muqdisho oo la diiday in la aaso

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa xalay fiidkii Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen bar-koontarool oo Ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin agagaarka Isgooska KM-4.

Ehelada askariga katirsanaa Ciidanka Nabad sugida ee xalay dileen Ciidamada AMISOM ayaa diiday in la aaso meydka askariga, waxa ayna dowlada ka codsadeen in lasoo qabto askarigii dilka geestay lana horgeeyo cadaalada.

Cumar Geedi Cabdi oo kamid ah ehelada askariga la dilay ayaa sheegay in aysan jirin cid u timid oo katirsan AMISOM iyo dowlada Soomaaliya, waxa uun a sheegay in aysan aaseyn meydka askarigan xaqdarada lagu dilay.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Xuseen ayaa katirsanaa ciidamada Nabad sugida gaar ahaan kuwa ku sugan koontaroolka laga galo garoonka Aadan Cadde gaar ahaan agagaarka Isgooska KM-4.

Ciidamada AMISOM ayaa xalay laga celiyay in ay ka gudbaan koontaroolka laga galo garoonka Aadan Cadde aaga KM-4 , hasa ahaatee ciidamada ayaanA halkaasi xoog ku maray waxaana rasaas labada dhinac dhax martay ku dhintay askariga katirsan NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Sh/Hoose mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade

(Akhriso) Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Madaxweynaha & ku-xigeenada Galmudug

Caydiid Ali

Nooca Koronaha dadka ku dhameynaya dalka Hindiya oo soo gaaray bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---