Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu feeryahan Khabib Nurmagomedov u diiday inuu tababar Elon Musk?

Khabib Nurmagomedov oo ah feeryahan caalami ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ku gacan seyray codsi ugu yimid Elon Musk oo ah maalqabeenka leh shirkadda X (Twitter).

Elon Musk oo hadda kaalinta koobaad kaga jira maalqabeenada dunida ayaa tartan feer u ballansaday milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

Labada maalqabeen ayaa waxaa ka dhexeeya xifiltan xooggan oo dhanka tiknoolajiyadda ah, waxayna taas horseeday inay isu ballansadaan tartan feer.

Khabib ayaa diiday codsiga uga yimid Elon Musk sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS.

“Elon Musk waxa uu doonayay in Khabib Nurmagomedov uu ka caawiyo isu diyaarinta feerka uu la ciyaari rabo Mark Zuckerberg. Hase yeeshee Khabib waa uu diiday codsigaas” ayay sheegtay wakaaladda.

Khabib Nurmagomedov ma sheegin sababta uu ku diiday inuu tababaro maalqabeenkan caanka ah.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Cadaado Tababar uga furay ciidamo Booliiska kamid noqonaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Shilinka Soomaaliga oo ka siiyaraanaya Guud ahaan dalka Soomaaliya & Shacabka oo ku dhiban Dollarka!!

admin

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaalo Balastig ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---