Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada AMISOM oo dil & dhaawac u geystay dad shacab ah ka dib qarax lala beegsaday

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya fal maanta Ciidamada AMISOM dil iyo dhaawac ugu geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa gobolka Sh/hoose.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayay dileen ciidamada AMISOM halka mid kalena uu dhaawacmay kadib markii ay rasaas ku fureen, iyagoo ka jawaabaya qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen.

Falkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Mareeray oo ka tirsan gobolka Sh/hoose sida dadka degaanku ay warbaahinta u sheegeen.

Lama oga khasaaraha soo gaaray dhinaca AMISOM, hase yeeshee qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gaysta Al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowlada & kuwa AMISOM ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha SSC oo Muqdisho kula kulmay Masuuliyiin katirsan Dowladda

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka carooday fal dowladda ku kacday baaqna u diray Madaxweynaha

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo guddoomay Natiijada Imtixaan loo galay Agaasimayaal guud (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---