Daawo Sawirada: Luka Modric oo ku guuleestay Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best ee ay FiFA bixiso waxaana abaal marinta lagu gudoon siiyay xaflada magaalada London.

Luka Modric ayaa markale abaal marintan ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah oo uu hore uga horqaaday abaal marintii xidiga sanadka ee Yurub ugu fiican. Luka Modric ayaa codkii ugu badnaa ka helay saddexda musharax ee abaal marinan u tartamayay.

 

Luka Modric ayaa door muhiim ah ka soo ciyaaray in Real Madrid ay sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah ku soo guulaysatay koobka UEFA Champions League laakiin waxaa su’aal wayn la galiyay haddii uu abaal marinan uga qalmay Cristaino Ronaldo oo 15 gool ka soo dhaliyay UEFA Champions league.

Mohamed Salah oo soo qaatay xili ciyaareedkii noloshiisa ugu fiicnaa isla markaana xog ahaan si wayn uga sareeyay Luka Modric ayaa abaal marintan seegay inkasa oo aanu wax koobab ah ku soo guulaysan balse Modric ayaa xulka qarankiisa soo gaadhsiiyay finalkii koobka aduunka.

 

Laakiin guud ahaan sanadkan waxa uu noqday midkii ugu khilaafka badnaa ee abaal marinaha shaqsiga ah kadib markii uu Modric ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub iyo kan aduunka iyada oo Cristiano Ronaldo uu labada jeerba abaal marintan ku jiray saddexda xidig ee iskugu soo baxay.

Luka Modric ayaa codkii ugu badnaa ka helay tababaryaasha iyo kabtanada xulalka qaramada aduunka si la mid ah saxaafada iyo jamaahiirta aduunka oo mid kastaaba boqolkiiba 25% ka yahay codka wax lagu go’aamiyay.

Waa markii ugu horaysay taariikhda ee uu Luka Modric ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican ee The Best wuxuuna soo gaba gabeeyay rekoodhkii Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay abaal marintan waqtiga dheer ku soo maamulayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -