Fanaanad Caan ah oo loo magacaabay in ay noqoto Danjire

Fanaanada caanka ah ee Rihana ayaa loo magacaabay in ay noqoto Danjire ama Safiir, waxa ayna fanaanadan sheegtay in si aad ah ugu faraxsan tahay jagadan cusub ee loo magacaabay.

Dowladda Barbados ayaa fanaanada caanka ka ah Dunida ee Robyn Rihanna Fenty u magacawday Jagada sare ee Safiirnimo, waxaana fanaanadan shaqada looga fadhiyo in ay wax ka qabato kamid ah hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga Barbados .

Rihaanna ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay jagadan safiirnimo ee loo magacaabay , waxa ayna sheegtay in diyaar u tahay in ay wax badan u qabato shacabka iyo dalkeeda.

Ra’sal-wasaaraha dalka Barbados Mia Amor Mottley ayaa sheegay in jagadaan safiirnimo ku maamuuseen Fanaanada caanka ah Robyn Rihanna Fenty, waxa uu xusay in Rihanna tahay qof dalkeeda jacel wax badana u qaban doonta.

“Rihanna waxay aad ugu weyn jacaylka waddankan, jagadaan loo magacaabayna waxay shabehaysaa bini’aadanimadeda gaar ahaan caafimaadka iyo wax barashada” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Mia Amor Mottley .

Fanaanada Rihanna ayaa kamid ah fanaaniinta dunida ugu caansan, waxa ayna Fanaanadan sidoo kale caan ku tahay  jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka casriga ah .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -