Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xogta kulan Axmed Madoobe la qaatay Hay’adda Badroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay xubnaha Hay’adda Badroolka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Hay’ada Eng Cabdiqaadir Aadan Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiinta Hay’ada ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayso shaqada Hay’adda.

Jubbaland waxaa ku yaalla laba xirmo oo ka mid ah todobada Xirmo ee shirkadda caalamiga ah ee Coastline ay dawladda Soomaaliya kula heshiisay iney ka baaraan shidaalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam axaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir ku Xagaanka Wasaarada Badroolka iyo Macdanta Jubbaland Maxamed Deeqoow Xuseen iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed.

Related posts

Turkiga oo balan-qaad culus u sameeyey Ciidamada Booliska Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo fariin u diray Xildhibaanada beri la dhaarinayo

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in beri Ciid tahay iyo Deegaanada laga arkay Bisha Shawaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---