Allbanaadir.com
NEWS

Shan wiil oo loo dilay aano iyo howlgal ka dhan ah kuwii dilka geestay oo socda

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shan wiil oo aad u yar yar aano qabiil loogu dilay degaan hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi.

Wiilashan la dilay oo kan ugu weyn uu jiro 13-sanno jir ayaa la sheegay xilliga la dilayay ay ka tageen goob xaflad aroos ah ka socotay, waxa ayna wiilashan seexdeen meel u dhaw dugsi Quráan ay dhiganayeen halkaas oo lagu dilay,

Dadka deegaanka ayaa ku waramay dilka wiilashan in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana dilkan argagaxa leh la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaanno hoostaga degmada Gallaadi.

Ciidamada booliiska dowlad deegaanka ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dableydii dilka geesatay, waxa ayna saraakiisha laamaha amniga tilmaameen in sharciga la horgeyn doono ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Ehelada carruurtan aan dambiga gelin ee la dilay ayaa ka codsaday maamulka dowlad deegaanka in ay soo qabtaan raggii ka dambeeyay dilka loo geestay wiilashooda, waxaana jirta cabsi laga qabo in aargudasho ay ka dhacaan deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Uhuru oo Magacaabay xil siyaasadeed muran badan dhaliyay

Cabdi Cade

Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay dalka Sacuudiga & dad kooban oo gudanaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Xabsi ku hayay Xaaskiisa iyo labo Cunug oo ay dhashay muddo 17-sano ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---