Allbanaadir.com
NEWS

Diyaar garow dagaal oo ka socda Galgaduud iyo Ciidamo badan oo la diyaariyay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ka socdo abaabulka howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyin iyo deegaanno ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuusd ayaa la kulmay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ,kuwaa uu kala hadlay bilaabida howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ayaa la diyaariyay, ciidankan ayaa la sheegay kaliya in ay sugayaan amarka madaxweyne Xasan Sheekh si ay howlgalka u bilaabaan.

Howlgalkan oo loogu magac daray Libaax madow ayaa qorshuhu yahay in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga, oo ay hadda maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb hoggaaminta howlgalka la doonayo in Al Shbaaab looga saaro deegaannada Galmudug, waxaana la sheegay madaxweynaha in halkaasi joogi doono inta howlgalka uu socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Droupadi Murmu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay safiirka Somalia

Caydiid Ali

Somaliland oo ka hor timid heshiis ay kala saxiixdeen dowlada Somalia & Midowga Yurub

Caydiid Ali

Muuqaal duube ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---