Madaxweyne Droupadi Murmu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay safiirka Somalia

Safiirka Somalia u magacaabatay dalka India Dr. Ahmed Ali Dahir ayaa maanta laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo.

Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa danjire Axmed ka guddoontay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.

Dr. Ahmed Ali Dahir oo ahaa xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka ayaa dhowaan loo magacaabay danjiraha cusub ee dowlada Somalia u fadhiya dalka India.

Safaarada Soomaaliya ee dalka India ayaa adeegyo muhiim ah u qabata kumanaan Soomaali ah oo dalkaas ku nool, kuwaasoo iskugu jira arday, ganacsato iyo dad kale

- Advertisement -