Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger oo tallaabo cusub qaaday

Saraakiisha af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo xukunka ku difaacanayaan, waxa ayna gabi ahaan xireen hawada dalkaasi si aan weerar loogu soo qaadin.

War kasoo baxay hoggaamiyaasha milatariga ayaa lagu sheegay in la xiray hawada dalka Niger ilaa ammar dambe, waxaana arrintan looga hortagayaa hanjabaad iyo faragalin milatari oo ka timid dalalka dariska la ah Niger.

Afhayeen u hadlay militariga la wareegay talada Niger ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida  ay diyaar u yihiin inay difaacaan dalka, waxa uuna digniin u diray dalal uu sheegay in faragelin ku hayaan dalka Niger.

Dalalka kuyaalla Galbeedka Afrika ee ku bahoobay Ecowas ayaa ugu baaqay milatariga Niger in xukunka dib ugu celiyaan madaxweyne Maxamed Bazoum, haddii kale ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari.

Gen Abdourahmane Tchiani, oo ahaa taliyaha ilaalada madaxtooyada Niger ayaa abaabulay af-gembiga ka dhacay Niger, waxa uuna jeneraalkan ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee la wareegay talada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 6 nin oo lagu eedeeyey.. (Magacyada)

Caydiid Ali

 Trump oo si adag uga hadlay Bayaankii Sacuudiga kasoo saareen dilka Jamal Khashoggi 

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---