Wax badan ka Ogow Micnaha dhabta ah ee laga wado Ereyada Siyaasada

Warbaahinta iyo Qaamuusyadda siyasadeed waxaan ka maqalnaa eraya caadi nala noqday Maqalkooda ,laakiin laga yaabo inaan fahansaneyn micnaha dhabta ah ee laga wado ama xitaa Aan aqoonin macnahooda si guud .halkaan waxaan kuugu soo gudbinaya micnaha erayadda

Siyaasadeed waxa laga wado .

1:ideology =الايديولوجية = Aydaloojiyad =fikrad ? in badan ayaan ayaan maqlanaa hebal ,dowlad hebal  ,ama  koox hebal waxay ku dagaalamaysaa aydaloojiyad adag waa kalmad  ka imaaday asalka luqada giriig kana kooban

Aydaloojiyad= fikrad &logos =cilmi waxaa lagu tilmaami karaa dad haysta fikrad midaysan hal qaabna nolasha u arka waxa kastana u huraaya inay xaqiijiyaan ujeedkooda .

2:DICTATOR =ديكتاتورية  =kaligi talis waa nooc ka mid ah xukunada aan xuduuda aan laheyn taaso dalka dadka &masiirka shacabka uu ku jiro   gacanta hal nin ama  hal xisbi siyaasadeed ,dictaatooriyada milatari kalmadaas waxay ka imaaday jumlad laatiini ah  Dictatus =qasbid, kaligi taliska waxay ka dhigan tahay inuu shacabku ku qasbaayo una  meerinaayo waxa uu asiga rabo .

3:Secular =العلمانية  =cilmaaniyad , cilmaaniyadu micnaheedu dhabta ah waa kala saarida siyaasada iyo diinta , in raga diinta ay soo dhaafin meelaha cibaadada ayna soo faragashan xukunka  ,dowlada ku dhaqmaysa nidaamka cilmaaniga ahi ayna sheegan diin u gaar ah  .

4:federalism =الاتحاد = fedraal=midow  , nidaamka fedraaliga ahi waa qeybint awoodaha xukunka in gobalada dalkaas uu ka jiro xukunkaas fedraaliga uu leeyahay gobol kasto ,xukunkiisa hoose  iyo awoode kala duwan  qawaaniin u gaar ah laakinsa hoos imaanaaya dowlad dhexe nidaamkaas inta badan waxa lagu dabaqaa wadamada ay ku nool yihiin dad kale duwan asal ama luqad ama wadamada aadka u dhulka weyn sida ruushka iyo mareekanka inkastoo ay jiraan dowlada aan sidaas aheyn  laakin dabaqo fedraaliga .

5:Garabka fog –xisbiga midigta fog =axsaabta bidixda maxaa laga wada?

Garabka midigta ee mayalka adag ,marka koowaad aan wax yar taarikhda dib u fiirino si aan u ogaano meesha uu ka imaaday  asalka magac (bidix &midig) ee loo adeegsado axsaabta siyasaadda 1789 faransiiska waxaa ka socday wax loo yaqaano kacdoonki faransiiska waxana jiray loolan ka socday gudaha (الجمعية) ama wax lagu tilmaami kara baarlaman waxaana dhici jiray dooda aad u kulul xubnaha taageersan boqorka in xaalka sidiisa ahaado waxay fadhiisan jireen midigta boqorka kuwa mucaaradka ee rabo in isbadal xoriyad dhacdana waxay fadhiisan jireen dhinaca bidixda .

6:Capitalism =الراسمالية  =ra’simaaliyadu waa nidaam dhaqaaleed waana ka manta caalamka hogaaminaaya sida dowladah ra’simaaliga ah mareekanka & yurub waa nidaam hadafkiisu yahay in uu qofka uu hanti karo wax u gaar ah sida shirkadaha , warashadaha dekadaha ilo dhaqaale oo kale duwan wuxu kazoo horjeeda hantiwadaaga mamnuucaya in qofka uu hantiyo ilahaas dhaqaale oo kala duwan

7: Socialismالاشتراكية  = hanti- wadaag , nidaamka hanta-wadaaga waa nidaam dhaqaaleed oo dhuuci ah kana soo horjeedo ra,simaaliga sida magacisa ka muuqato waa wadaagida hantida dalka .

hanti-wadaaga wuxuu dhigaaya in dowlada keli ay milkin karto hal bowlayaasha dhaqaalaha warashadaha, shirkadaha waaweyn , beeraha il kasto dhaqaalo kaso galo in dowlada keli ay milkin karto kadibna si wadajir ah loogu qeybiyo shacabka , nidaamkaan hanta-wadaaga laga soo bilaabo 1969kii -1991 xiligii  siyaad bare ayuu ka jiray dalka somaliyeed waxaan wada  xasuusanaa xisbigi hanta-wadaaga kacaanka somaliyeeed wuxux ahaa nidaam hanta-wadaag shuuci ah

8: Martial lawقانون الاحكام العرفية  = maarshaal loow xukun curfi ah xukun milatari  waxaa laga yaaba inaad maqashay wadan hebal waxa ka dhacay afganbi ka dibna ciidanka wuxu ku rogay maarashal loow nidaam deg deg ah taaso ka dhigan in la’laalo dhamaan qawaaniinti dalka uu lahaay ee hore waana xukun naxariis daren marshal lowga waana xukun milatari .

9:democracy = الديمقراطية = dimuqraadiyad waa nidaam ka mid ah nidaam xukunyada caalamka kalmada dimuqradiyad  asal ahaan waxay ka imaaday labo kalmood oo luqada giriiga oo is saaren oo ah

DEMO = oo laga wado shacab iyo  Kratos oo laga wado xukun = Demo +kratos

Xukunka shacabka in shacabka uu leeyahay xukunka nidaamka dimuqaradiga wuxu ku dhisan yahay sadex tiir oo kale ah , 1 : xukunka shacabka 2: sinnaan 3 xorriyadd .

10: Fascismالفاشية  = faashi , faashiste magacaas markaad maqasho waxaa maskaxdaada kuso dhacaaya faashiyiinte taliyaaniga موسي ليني italy & franka liiniyo ee spain xukunka faashiga waa nidaam cunsuri ah oo naxaris daren, taaso ka dhigan in koox yar ay gacanta ku dhigto masiirka malaayiinta qof diyaarna u ah inay daadiyaan dhiiga malaayiin qof iyagoo xaqiijinaaya hadafkooda cunsuriga ah .

Kalmada faashi waxay ka imaaday (Fascio) faashiyo oo ah qabsiimo

11: Republicجمهورية   = jamhuuriyada

Maadaama luuqada Soomaliga weli korayso erayga jamhuuriyad waxaan ka soo amaahanay af carabiga .

Jamhuuriyad waa hab maamul ee wadan kaas oo aanan aheyn boqortooyo badana wadamada jamhuuriga ah waxa ka qabsoonta doorasho xuknka qori isku dhiib ah .

Wadano jamhuuri ah . 1: jamhuuriyadda soamaaliya 2: jamhuuriyadda kiinya 3:jamhuuriyadda turki

W/Q Khalid Abdilhakim Ahmed (khalid wadani )

Gmail:khalidfarey@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -