Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga la wareegay talada dalka Niger oo codsi u diray kooxda Wagner

Saraakiisha milatari ee la wareegay talada dalka Niger ayaa taageero milatari ka dalbaday ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee dalka Ruushka, xilli milatariga af-gambiyay dowladda Niger la kulmayaan cadaadis xooggan.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha Niger la wareegay ay ka walaacsan yihiin suurtogalnimada faragelinta ciidamo ka socda dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka ECOWAS, si ciidankaasi talada dib ugu celiyaan dowladdii la riday.

Madaxda dowladaha ku bahoobay ECOWAS ayaa horey ugu qabtay ciidamada milatariga Niger ee xilka la wareegay in ugu dambeyn talada dalkaasi dib ugu celiyaan maanta oo Axad ah dowladdii ay af-gambiyeen.

Hoggaamiyaha af-gembiga Niger, Jeneral Salifou Mody oo dhawwaan tegay dalka Mali, ayaa halkaasi kula soo kulmay saraakiil katirsam kooxda Wagner, kuwaa uu wadahadal kaddib ka codsaday in ay ka taageeraan sidii ay xilka kusii heysan lahaayeen.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay kulanka dhax maray kooxda Wagner iyo saraakiisha af-gambiga Niger, waxa ayna  xuseen in milatariga Niger ka rabaan Wagner in ay gacan ku siiyaan sidii talada kusii joogi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxkamada G/Banaadir oo amartay xariga Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Caydiid Ali

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si fudud ku lumiyay Taageerayaal badan uu lahaa

admin
Taboola Ads ---