Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Taalibaan oo ku dhawaaqay in aan Jihaad loo aadi karin meel ka baxsan dalkooda

Maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afganistan ayaa ugu baaqay ciidamada daacada u ah in aysan dagaal iyo jihaad u aadin meel ka baxsan dalkooda, xilli kooxda Taalibaan lagu eedeeyay in ay gacan siiyaan dagaalyahannada ku sugan dalka Pakistan.

Wasiirka gaashaandhigga u qaabilsan maamulka Taaliban Mawlawi Muxamed Yacquub Mujaahid, ayaa sheegay in aysan sax aheyn in ciidankooda meel ka baxsan dalkooda u aadaan dagaal ama jihaad aan loo fasixin.

Wasiirka oo la hadlayay taliyaal ciidan iyo saraakiil ayaa sheegay in ciidamada Afganistan looga baahan yahay in aysan ku kucin falal uu sheegay in ay wax u dhimayaan nidaamka ,sidoo kale abuuri karaan caasinnimo iyo fowdo.

”Hadda waa in loo hoggaansamo amarkii amiirka, waa waajib iyo lama huraan, haddii qof uu ka baxo Afgaanistaan ​​meel kalana uu u aado jihaad, kaasi lama yiraahdo Jihaad’ee ogaada ” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Taalibaan.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirkan katirsan dowladda Afganistan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Pakistan sheegtay in weerarada iyo falalka amni darro ee ka dhaca dalkooda laga soo abaabulo gudaha dalka Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo Itoobiya ku eedeysay iney hub ka dejisay Kismaayo

Caydiid Ali

Xildhibaan ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay kusoo wareejiso Meydka askari saakay la toogtay

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---