Allbanaadir.com
NEWS

Sidee u dhacday Maxkamadii la soo taagay Madaxweynihii hore ee Maraykanka?

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday.

Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto ‘isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo’.

Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka.

Related posts

Video:-Aaskii qaranka ee loo sameeyay Marxuum Maxamed Qanyare Afrax iyo Warar kale …

admin

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade

Ninkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade