Khasaare culus oo ka dhashay qarax saaka ka dhacay degmada Baardheere

Qarax weyn ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo kaasoo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya ee halkaas saldhigyada ku leh.

Warka ayaa intaas ku daraya qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay guud ahaan degmada loo adeegsaday miino lagu aasay wado dhex marta bartamaha degaanka.

Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney la kacday miinada lagu qarxiyey, kaasoo dab xoogan iyo qiiq uu qabsaday sida dad goob joogayaal ay warbaahinta u sheegeen.

Qiyaastii toban askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey iney noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay sida laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka degmadaas oo ka gaabsaday magacooda.

Ciidamada Itoobiya ayaa qaraxa ka dib furay rasaas aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxayna xireen goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay ka wadaan howlgalo baaritaano ah, iyadoo shacabka degmadu ay sheegeen iney baqdin soo wajahday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -