Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

K/Waqooyi oo War ka soo saartay askari Mareykan ah oo dalkeeda u talaabay

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Maamulka Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayso Travis King, jawaabteedii ugu horreysay ee codsiyadii ku saabsanaa xogta halka uu ku sugan yahay askariga Mareykanka ah.

Travis King oo 23 jir ah ayaa 18-kii Luulyo kaligiis ka talaabay xudduudda Kuuriyada Koonfureed xilli uu ku jiray dalxiis la xadiday.

Taliska Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan wax tafaasiil ah ka bixin doonin jawaabta Pyongyang xilligan. Waxa ay sheegtay “in aysan doonayn in ay farageliso dadaallada lagu soo celinayo askariga”.

Jawaabtu waxay muujinaysaa in Pyongyang ay diyaar u tahay inay bilowdo wada xaajoodka. Taliska Qaramada Midoobay, oo ilaaliya Aagga ka caaggan milatariga (DMZ), ayaa raadiyay macluumaadka ku saabsan askariga oo lagu magacaabo King iyadoo la isticmaalayo khadka taleefanka ee tooska ah Ciidanka Waqooyiga Kuuriya KPA ee Aagga Amniga Wadajirka ah.

 

 

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Amaanka oo Qoraal kasoo saaray Go’aankii dowlada Somalia ku ceyrisay Nicholas Haysom

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Xubno kale oo Xildhibaano loo doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---