Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Guriceel (Sawirro)

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo degaankaas uu ka mid yahay deegaanada laga soo doorto xildhibaanka.

Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweyntay xildhibaanka iyadoo roog gaduudan loo fidiyay markii uu ka degayey garoonka Guriceel.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa safar dhulka ah ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug maalmaha soo socda, Mas’uuliyiinta sare ee Galmudug ayuuna kulamo la qaadan doonaa sida qorshuhu yahay.

Dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin guud iyo mid gaar ah, tabashooyin ay ka qabaan dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb iyo arrimo kale ayaa ka mid ah ujeedada socdaalka Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa ka qeyb qaadan doona diyaargarowga gogol uu fidiyay Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo dhowaan ka dhici doonta Guriceel.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale xariga jaraya mashaariic Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin hoos-yimaada Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jabhada TPLF oo wax lala yaabo ku tilmaantay baaq ka soo yeeray Midowga Afrika

Caydiid Ali

Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

Cabdi Cade

Ujeedka iyo Cida ka Dambeysa Is casilaadii guddiga Doorashada Somaliland oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---