Allbanaadir.com
NEWS

Xogta Kulamo aadan Madoobe la qaatay Safiirada dalalka UK & Imaaraadka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Ambassador Michael Nithavrianakis.

Aadan Madoobe iyo Danjire  Nithavrianakis oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaannada Soomaaliyo iyo kan Boqortooyada Ingiriiska, horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, sida dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS, la dagaallanka kooxda al-shabaab iyo taageerida xasilloonida deegaannada laga xorreeyay kooxdaas.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta  Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe  iyo Danjire Alromaith ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka qaadanayaan la dagaalanka argagaxisada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka.

Related posts

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Hub ay wateen

admin

Cali Guudlaawe oo booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil Soomaali ah oo ku dumay God Dahabka laga qodo oo Meydkiisa lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---