Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka nin dhalinyaro ah oo saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa saakay xaafad ku dhaw saldhiga degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ah oo la dilay, waxaana goobta meydka lagu arkay isugu soo baxay dadweyne badan.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu yaalo meydka ninkan dhalinyarada ah, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xariira ruuxaasi la dilay waxa uu ahaa iyo cida dishay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka dhalinyarada ah ee la dilay uu u dhacay guri uu degnaa nin askari ah sidaasna lagu dilay, waxaana meydka ninkan lasoo dhigay banaanka guriga lagu dhax dilay.

Dadweyne badan oo ka kala yimid xaafado katirsan degmada Yaqshiid ayaa isugu soo baxay goobta meydka lagu arkay, waxa ayna dadku aad u hadal hayeen ulana yaabanayeen dhacdadan.

Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, arimaha oo dhan ayaa dhacaya xili uu sii xumaanayo amaanka magaalada  Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir u soo xirmay DF iyo dowlad Goboleedyada & War Murtiyeed ka soo baxay (Akhriso)

Caydiid Ali

Maleeshiyaad iyo Gaadiid Dagaal oo ka qeyb qaadanaya xureynta Ceelbuur iyo Galhareeri oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Galmudug oo Shaqo cusub u abuuray Wasiir uu horey xilka uga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---