Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor oo Dhuusamareeb ka furay shir looga hadlayo arrin xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada ku haray gacanta al-shabaab kaasoo oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowladd Galmudug ee ku xaray gacanta al-shabaab isla markaana loogu diyaar garoobo si heer sarreysa.

Ceelbuur, Ceelgaras iyo Galhareeri ayaa ka mid ah degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada Galmudug in la taageero howlgalka degaanadaas looga saarao Al-shabaab oo muddo dheer ka talineysay.

Dowlada Somalia ayaa wada abaabulka wejioga labaad ee howlgalka Al-shabaab looga saarayo degaaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug oo weli gacanta ugu jira kooxdaas.

Related posts

Al-Shabaab afur u fadhiyey oo caawa lagu laayey Sh/dhexe

Caydiid Ali

Khayre: “Waxaan go’aansaday inaan ummadda u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka” (Daawo)

Caydiid Ali

Hub sumeysan oo la sheegay in ay lahaayeen ciidanka Gaashaan oo lagu weeraray Xaruntii Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---