Hub sumeysan oo la sheegay in ay lahaayeen ciidanka Gaashaan oo lagu weeraray Xaruntii Ahlu Sunna

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee taabacsan maamulka Galmudug ayaa xalay weerar xoogan waxa ay ku qaadeen xarunta Inji ay ku sugnaayeen Hogaanka kooxda Ahlu sunna iyo ciidankooda.

Weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Inji ayaa soo dedejiyay in hogaanka Ahlu sunna ay isku dhiibaan ciidanka dowlada, xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaana hada ah mid degan , waxaana goobihii lagu dagaalamay gacanta ku haya ciidamada dowlada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in weerarka xarunta Inji ciidamada dowlada u adeegsadeen hub halis ah oo sumeesan u sheegay in ay lahaayeen ciidamada nabad sugida Gaashaan.

Waxa uu sheegay in hubkan yahay mid loogu tala galay marka Al Shabaab meelo qabsadaan looga saaro, waxa uuna tilmaamay in hubkan uu yahay mid derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arinan uga hadlay Mr Warsame

Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay.

Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.

Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -