Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caddaaladda oo u kuur galay xaalada Maxaabiis sharci darro u xiran (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda & arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa booqasho ku aadan hubinta iyo xaqiijinta cabashada maxaabiista ku xiran xabsiga dhaxe iyo ogaanashaha Xaaladdooda guud ku tagay xabsiga dhaxe ee Xamar.

Wasiirka Caddaaladda oo ay la socdeen xeer illaaliyaha guud ee Qaranka iyo Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waraysiyo ku aadan xaalaada maxaabiista la yeeshay saraakiisha xabsiga dhaxe.

Wareysiyada iyo baaritaannada kaddib waxaa cadaatay in aysan jirin maxaabiis sharci darro u xiran 10 sanno, balse ay jiraan qaar kamid ah Maxaabiista in ay soo gudbiyeen cabasho ay qabaan oo ku aadan dhanka sharciga iyo garsoorka, Wasiir xassan Macalin ayaa maxaabiista u ballan qaaday in ay hayaan liiska maxaabiista cabashada qabta si degdeg ahna ugu gudbin doonaan cidda ay qusayso si wax looga qabto.

Wasiirka ayaa ugu dambayn maxaabiista u sheegay in ay deg deg ugu soo laaban doonaan xabsiga dhaxe, kadib baarista & Natiijada soo baxda, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin xad-gudub loo gaysto muwaadiniinta Soomaaliyeed, waajibna ay tahay illaalinta xuquuqda maxaabiista dhinac walba.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha ay gaareen Xulka da’yarta Kubada Cagta Somalia

Caydiid Ali

Howlgal dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Banaan bax rabshado watay oo ka dhacay Baled Xaawo iyo Shacab galay xarunta Degmada (Sawirro)

Cabdi Cade