Allbanaadir.com
NEWS

Isku Shaandhayn lagu sameeyay guddiyada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 2-aad oo ajandihiisu ahaa ansixinta isku shaandhaynta Guddiyada Aqalka Sare ee BJFS.

Ugu horrayn Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Sanatarrada la wadaagay Go’aanka Guddoonka Aqalka Sare iyo sida la isu raaciyay Xubnaha Guddiyada ee isku shaandhaynta lagu sameeyay.

Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa uga mahad celiyay Sanatarrada Aqalka Sare sida wanaagsan oo ay ugu raaceen isku shaandhayntii guddiyada ay sameeyeen, wuxuuna dhina kale faray xubnaha Guddiyada Aqalka Sare in ay laba jibaaraan waajib gudashadooda ku saabsan korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

Related posts

Halka Kuuriyada Waqooyi ka hesho lacagta ay gantaallada ku sameysato oo la ogaaday

Cabdi Cade

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo weerar ku qaaday xarunta Maxkamadda sare …

Cabdi Cade

Madasha Badbaado Qaran oo Farmaajo ku eedeysay inuu dayacay ciidanka XDS (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---