Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray si diirana loo soo dhoweeyey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan.

Lama oga ujeedka safarka Axmed Madoobe ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen kaasoo booqashadiisa lagu sheegay inuu ujeedkeedu ahaa safar shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Israel oo dhalinyaro falastiiniyin ah ku laayey daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo u Mahadceliyay Farmaajo kana hadlay Xalka gobolka Gedo

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir & Masuuliyiinta degmooyinka oo ka wada hadlay qodobo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---