Yaa Hor Taagan Ansixinta Guddiga Xuquuqul Insaanka Madaxa Banaan ee Qaranka?.

Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaliya waa laga deyrinayey tan iyo wixii ka dambeyey  bur-burkii Soomaaliya oo ku beegnaa horaantii 1991-kii, waxaa meesha ka baxay Amarkii iyo kala dambeyntii waxayna mar qura is bedeley jawigii nabada u muuqdey ee lagu jirey taasoo qof walba ku xambaartay inuu sameeyo wixii uu doono maadaama aaney jirin meel loo dacwoodo.

Si kastaba Soomaaliya waxay saaxada caalamka kusoo laabatay sanadkii 2000 markii Jabuuti dowled KMG ah lagu soo yegleelay taasuna waxay Aakhirkii Soomaaliya geyeysiisey iney saxiixdo xiligii dowladii Shariif Shiikh Axmed inta badan Qodobada Xuquuqda Aadanaha ee Aduunku isla ogol yahay.

Si taas looga ambaqado ayaa waxaa qasab noqotay in la samaeeyo Guddiga Xuquuqul Insaanka madaxa banaan ee Qaranka  oo ka kooban 9 Xubinood.oo ku imanaya nidaamka Awood qeybsida Soomaalida ee 4.5. Markii la xayseysiiyey waxaa codsaday 615 qof oo ka kala socda shanta beelood ee wax lagu qeybsado. Waxaa liiska gaaban (shor-tlist) ku soo baxay 78 qof..

Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in Imtixaanka qoraalka (written-test) ay u fariistay 78 qof, waxaana Imtixaanka qaaday Xafiiska UNSOM iyo khuburo kale oo ay iyagu shaqaaleysiiyeen, waxaa goob joog ka ahaa Wasaaradda Haweenka iyo Hourmarinta Xuquul Insaanka Soomaliya, Xildhibaano ka trisan labada Aqal iyo Wakiilo ka socda Bulshada Rayidka ah.

Sida aan xogta ku helay waxaa Wareysiga (Interview) u soo gudbay 46 qof, waxayna imtixaanka ku galeen Hotel Peace, Aakhirkii 17 December waxaa Imitixaankii kama danbeysta ku soo baxay 9  xubnood oo ku qotoma nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, 4 dumar  ah iyo 5 rag ah, Heerka Aqoonta dadka soo baxay qofka ugu yar wuxuu haystaa Shahaadada Heerka koowaad ee Jaamacadda, qaar ayaa haysta Heerka labaad, kuwana waxay haystaan PHD.

9-ka xubnood ee guuleystey waxaa Golaha Wasiiradda loo gubiyey 21 December 2017. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka waxay Golaha Wasiiradda hortooda ka jeedisay 28 December 2017 (Presentation of Recruitment Process). Iyadoo u sharaxday sidii ay ku yimaadeen dadkani iyo sida ay u dooneyso in la meel mariyo si markaas kadib Baarlamanka loogu gudbiyo oo  uu ugu dambeyn Madaxweynuhu u saxiixo si ay howshooda ku bilaabaan oo ay uga hadlaan tacadiyada dalka ka dhaca.

Sagaal bilood kadib ilaa hadda lama ansixin gudigaas, warkoodana lama hayo, waxaa inta dheer in Miisaaniyada Guddiga laga soo bilaabo Janaayo ay taalo oo waxaa hore u ansixiyey  Baarlamaanka oo lama oran karo lacag la’an ayaa hortaagan ansixintiisa.

Garyaqaanno aaya ii sheegay in Guddigaan ku xiran yahay sameynta Maxkamadda Dastuuriga iyo Guddiga adeega Garsoorka, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka madaxa banaan ee Qaranka marka uu sameysmo waxa uu xubin ka noqonayaa Guddiga Adeega Garsoorka, sidaas si la mid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga oo ah meesha uu dalka ka socon waayey wuxuu xubin ka noqonayaa Gudigga adeega Garsoorka.

Maalin walba waxaa dhaca xad-gudubyo ka dhan aha xuquuqda Aadanaha sida dhac, kufsi, dil iyo xarig sharci darro ah. Tuasale Bishii Juun ee sanadkan oo kaliya waxaa lagu kufsaday wadada xiriirisa Afgooye iyo Leega ku dhowaad 20 dumar ah sida aan wararka ku helay 10 ka mid ah hal meel ayaa lagu fara xumeeyey, nasiib darrada dhacday waxay aheyd  gabdhahaas waxaa ka mid ahaa gabdho yar-yar oo Jaamacado ka dhigta Mogadishu kuwaas oo awoodi waayey $100 oo ay diyaarad ku raacaan si reerahooda ula soo ciidaan.

21 Sept. Gabar ayaa lagu diley  degmada Hawl Wadaag iyadoo  fadhida kursigeedii. Waxbarshada, taasoo ah dhaqan nagu cusub. 20 Sept. waxaa nin Waayeel ah lagu soo weeraray Baangado isagoo qaba dhaawac halis ah ayaa hadana dab la qabadsiiyey taasaoo Aakhirkii sababtay inuu goobtii ku geeriyoodo. 18 Sept Waxaa toogasho lagu diley gabar ciyaal iskuul ah degmada Hodon kadib markii ay kasoo laabatay Iskuulkii ay dhiganeysey iyadii weliba saaran Baskii Iskuulkeeda. 17 Sept Nin ayaa Xaaskiisii ku diley deegaanka Sar Kuusta ee duleedka Muqdisho

5 May 2018 Nin ayaa degmada Wadajir ku diley Xaskiisa ,Walaasheed iyo laba ruux oo kale. Waxaa intaas ka sii badan Tacadiyada maalin walba dhaca oo aan la diiwaan gelin oo laga yaabo iney ka Qatar badan yihiin kuwa aan kor ku soo sheegnay.. Hadaba su’aashu waxay tahay yaa hor taagan Ansixinta Guddiga Xuquuqul Insaanka madaxa banaan ee Qaranka?.

WQ. Cabdinasir Xersi Iidle

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-165503978

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -