Allbanaadir.com
NEWS

Gobol dhan oo dadka kunool lagu soo rogay Bandow kaddib bililiqo dadkiisa geesteen

Gobol katirsan dalka Nageria ayaa lagu soo rogay bandow , kaddib markii bililiqo baahsan ay geesteen qaar kamid ah dadka kunool gobolkaasi, waxaana maamulka gobolka ku ciqaabay shacabka gobolkaasi in bandow lagu soo rogo.

Guddoomiyaha gobolka Adamawa ee dalka Nigeria, Axmadu Umaru Fintiri ayaa soo rogay bandow soconaya 24-saacadood oo lagu ciqaabayo dadka gobolka degan, kaddib markii bililiqo loo geestay bakhaaro kuyaalla caasimada gobolkaasi ee Yola.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo iyo sawirro muujinaya dad badan oo jabsanaya bakhaaro kuyaalla magaalada Yola, waxa ayna halkaasi ka qaateen jawaano ay ka buuxaan galey iyo kartoono ay ku jireen baasto.

Guddoomiye Axmadu Umaru Fintiri, ayaa laamaha ammaanka ee gobolka Adamawa faray in ciidamo loo daad gureyo goobaha muhiimka ah ee gobolka katirsan, si ay u dhaqan galiyaan bandowga la soo rogay.

Dalka Nageria qeybo kamid ah ayaa waxaa ka jira qallaase iyo dhibaatooyin ka dhashay sicir barar , waxaana dad badan dowladda ku dhaliileen in aysan waxba ka qaban sicir bararka raashinka iyo shidaalka ku yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Xoogga dalka oo war ka soo saaray dagaalkii saaka ka dhacay Mesegawaa

Caydiid Ali

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war lagu daabacay Wargeyska The East African

Cabdi Cade

Gaas & Xaaf oo ku biiray madaxda dowlad goboleedyada ee gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---