Allbanaadir.com
NEWS

Rag waxyaabaha maanka-dooriya ku iibinayay Muqdisho oo lasoo qabtay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo ku eedeysan in ay iibinayeen waxyaabaha maanka-dooriya ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggan lasoo qabtay ay sandaqad yar ku iibinayeen waxyaabaha maanka-dooriya oo ay kamid ahaayeen xashiish, calaq iyo sidoo kale kaniiniyaasha la isku daroogeeyo.

Warka kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ay baaritaano ku wadaan raggan lasoo xiray ee ku eedeesan iibinta maan-dooriyaha, waxa ayna tilmaameen baaris kaddib in loo gudbin doono sharciga.

Ciidamada ammaanka ayaa ka wada magaalada Muqdisho soo qabashada ragga ka ganacsada maan-dooriyaha iyo sidoo kale burcada hubeesan ee dhaca geesta iyo ciyaal weerada ka jira xaafado katirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka ugu awooda badan Xukuumada Kheyre oo laga baaray Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Maamulka gobolka Benaadir oo ka laabtay amar uu bilo ka hor soo saaray

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo talaabo culus qaaday ka dib digniintii ka soo baxday Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---