Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kala hadlay Mattias Mayr dar-dar gelinta Mashaariic kala duwan

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay masuuliyiin kasocday Bangiga aduunka oo uu hogaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.

Kulanka ayaa lagaga hadlay dar-dar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga aduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.

Bangiga adduunka ayaa horey uga fuliyay magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale oo katirsan maamulka Jubbaland mashaariic horumarineed, waxaana wali socda mashaariic kala duwan uu maal-galinayo Bangiga adduunka.

Magaalada Kismaayo mashaariicda laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah dhismooyinka waddooyin muddo sannado ah bur bursanaa iyo sidoo kale xarumo badan oo maamulka Jubbaland ku shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Amaanka oo kulan gaar ah ka yeeshay Xaalada Soomaaliya

Cabdi Cade

Mashruucii Trump hubka uga iibinayey Sacuudiga & Imaaraatka oo la hakiyay

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in Ciidamada huwanta la wareegeen Wabxo iyo Deegaano kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---