Xamse Barre oo labo arrin ka codsaday Madaxweyne Samia Suluhu Hassan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotoda dheer  iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday in dowladda Tanzania ay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Madaxweynaha dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dhameystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqbashay, isla markaana farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeeyo.

Mudane Xamsa ayaa Madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Madaxweynaha Tanzania, martigelinta shir madaxeedkan ahmiyadda gaarka ah u leh bulshooyinka qaaradda Afrika.

Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa ka qeyb galay munaasabad Dawladda Ruushku lacag dhan $640 Million kaga dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 million.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -