Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Seerbiya (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Belgrade ee caasimada dalka Seerbiya, halkaas oo uu safar shaqo u joogi doona mudo 4 casho ah.

Taliyaha ciidanka booliiska iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Belgrade ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday safaarada Soomaaliya ee dalkq Seerbiya.

Jeneraal Sulub Firin ayaa la kulmay taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Seerbiya, Mudane. Bratislav Gašić, Taliye xigeenadda Booliska Seerbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović. Taliyaha hogaan Arimaha Dibadda ahna Taliyaha Interpol Col. Miloš Andjić iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada booliis , waxaana la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turjumaya labada talis ee Ciidan booliis ee Seerbiya iyo Soomaaliya.

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Caydiid Ali

Wajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka & AMISOM oo fuliyey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---