Xukuumada Somalia oo rajo ka qabta in Madaxweyne Muuse Biixi yimaado Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka hadlay suuro galnimada in mar kale dib u bilowdo wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Mahadi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ka go’antahay dar dar galinta wadahada Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxa uuna sheegay in qorshaha wadahadalka uu soo bilowday bilowgii sanadkan balse uusan sii socon.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ka go’an tahay in ay la hadasho Soomaaliland, waxa uuna intaa raaciyay in uu jiray qorshe la doonayay in ay ku kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay Mahdi Maxamed Guuleed in rajo weyn uu ka qabo in Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi uu yimaado Muqdisho sidoo kale Madaxweyne Farmaajo isna tago magaalada Hargeysa.

Wadahadaladii usoo socday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa hakad galay sanadihii ugu dambeeyay, waxa ayna taasi dhalisay in labada dhinac sii kala fogaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -