Guddi loo saaray dilkii shalay loo geestay Suldaan Xasan Cali Jibriil (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi baaritaan u saaray dilkii shalay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag askari katirsan ciidamada Puntland ugu geestay Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Halkan ka Akhriso Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Sep 2018 magcaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Maamulka Puntland

Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag

Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas
Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)

2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise

3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale

4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam

5. Maxamuud Maxamed Ducaale (Xoghayn)

6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)

7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali

8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -