Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka Diyaradaha ee Badhan.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhismayaasha garoonka diyaaradaha ka magaalada Badhan oo ah mid hada si xawli ah ushaqeeya.

Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga Aripotka magaalada Badhan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Sucaad Saalax, maayreeyaha Airport Badhan Muuse Aadan Jibriil, maamulka degmada iyo kan gobolka, qaar kamida golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Sucaad Saalax ayaa ka warbixisay xaalada Airport Badhan waxa ayna sheegtay wasiiradu in Airport-ku ku shaqeeyo gegi lagaraacay oo bannaana loona baahan yahay in loo dhiso sida garoomada caalamig ah.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhagax dhigga Airport ka Magaalada Badhan ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Waa farxad in maanta halkaan ka dhagax dhigno Terminal kii iyo xafiisyadii uu Airport-ku ku shaqeen lahaa, Airport-ku noqdo mid si fiican u shaqeeeya oo xayn daaban lagana ilaaliyo in ay xooluhu soo galaaan, si isku tashiya aan u sameeno Inshaa Allaahna waxaan rajeenaynaa waqti aan dheereyn in hawshaasi ay dhammaato”

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda, Xanaanada Xoolaha, iyo Jeelka magaalada Badhan oo dhismihiisu socdo, laguna dhisay iskaa wax u qabso oo ay sameeyeen bulshada magaalada Badhan, waxaana uu Madaxweynuhu ka dhegaystay dhammaan masuuliyiintii xarumahaas warbixino ku aadan shaqooyinkooda iyo xaalada gobolka, isla’markaana waxaa uu ku booriyey shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda inay sii laban laabaan oo ay uga soo dhalaalaan si hagar la’aan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo Magacaabay guddiga doorashada Xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland

Cabdi Cade

Al Shabaab oo xalay weerar dhowr jihop ah kusoo qaaday degmo katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Shan qof oo ku qaldamay kana hor-yimid Madaxweyne Putin iyo halkii ay ku dambeeyeen!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---