Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa codsi u diray Musharixiinta Mucaaradka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Farmaajo ayaa dalabkiisa sii mariyay madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo xalay uu kula kulmay Villa Somalia.
Cali Guudlaawe ayaa galabta codsiga Farmaajo gaarsiiyey madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana caawa dhacaya kulan balaaran oo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle la yeelan doonaan Musharixiinta oo arrintan looga hadli doono.
Farmaajo ayaa doonaya inuu Musharaxiinta kala hadlo sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo isku dayi doona inuu ka dhaadhiciyo aqbalaada muddo kororsiga uu sameystay
Midowga Musharaxiinta ayaa la filayaa iney diidaan ama aqbalaan kulanka uu ka dalbaday Farmaajo oo haddii u dhaco dad badan aaminmsan yihiin ineysan wax natiijo ah ka soo baxeynin maadaama farmaajo aysan qorshaha ugu jirin inuu wax tanaasul sameeyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com