Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Dowlada Somalia oo garab istaag u muujisay dowlada iyo Shacabka Tanzaaniya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay mashaqo ka dhacdady dalka Tanzaaniya oo ay ku nafwaayeen dad badan , kadib markii ay degtay dooni dad badan saarnaayeen oo mareesay Harada Victoria.

War Saxaafadeed kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa u qornaa sida tan

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria  khamiis oo taariikhdu ku beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

【• Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn•】

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad diiday in dib loo dhigo kiisas loo heysto Netanyahu

Caydiid Ali

Madaxweyne Zelenskiyy oo ceyriyey danjirihii Ukraine u joogay UK ka dib markii..

Caydiid Ali

Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare loo gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---