Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday Maxamed Cusmaan Maxamed

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi ku riday Maxamed Cusmaan Maxamed oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab una qaabilsanaa kooxdaasi faafinta fikirkooda.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa sheegtay in Maxamed Cusmaan dhalinyarada Al shabaab ee ku sugnaa Ceelgaras iyo Ceelbuur u fasir xumayn jiray Diinta Islaamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaasha Alshabaab.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa sidoo kale Maxkamada ka qirtay in marka uu yimaado magaalada Muqdisho la wadaagi jiray Al Shabaab wararka ay baahiyaan idaacadaha kuyaala magaalada Muqdisho.

Dhamme Ismaaciil Salaad ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab looga baajin karo ka been sheegidda Diinta Islaamka si loo bad baadiyo dhalin fara badan oo halis ugu jirto Fasirka Qaldan ee Diinta.

Qareenada u dooday eedeysane Maxamed Cusmaan ayaa Garsoorka maxkamada ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo aan laga haynin Fasir qaldan oo kayd ahaan meel u yaallo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa cadeeyay in eedeesane Maxamed Cusmaan Maxamed lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah , waxaana xukun sanaha u furan racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -