Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar askar badan lagu dilay ka fulisay Kenya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo shalay subax , dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ku qaadeen xero booliis oo kutaalla duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay lix askari oo katirsanaa ciidanka booliiska dalka Kenya , halka lagu dhaawacay afar askari oo kale oo hadda xaaladooda lala tacaalayo, waxa ay sidoo kale Al Shabaab waxyeelo gaarsiiyeen xeradii ay weerareen.

War kasoo baxay booliiska Kenya , ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo la tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin weerar ku qaadeen xero aydegan yihiin ciidamada kaydka ah ee booliiska, waxa ayna sheegeen in ay isticmaalayeen ragga weerar soo qaaday hub kala duwan

Booliiska ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo iyo baaritaanno ka dhan ah raggii weerarka soo qaaday ee katirsanaa Al Shabaab, mana shaacin booliiska in ay aqoonsadeen ama xogtooda heleen raggii weerarka soo qaaday iyo halka ay ka yimaadeen.

Al Shabaab , ayaa marar badan weeraro khasaaro kala duwan dhaliyay ka fuliyay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi bari Kenya iyo gobolka xeebta ee Lamu, hasa ahaatee weerarada kooxdaasi ayaa muddooyinkii laoo dhaafay aad u yaraa.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo markii ugu horeesay Shaaciyay in Sudan laga qaadayo Xayiraada & Wararkii ugu danbeeyay …!!

admin

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaha Sirdoonka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in ay dileen Askar Mareykan ah soona bandhigay Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---