Dowlada Somalia oo digniin adag u dirtay Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka

Hay’adaha qaran ee kala ah Isgaarsiinta iyo Tayodhowrka ayaa maanta ku wargeliyay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka inaan dalka la soo gelin karin qalab isgaarsiineed ama teknolojiyadeed oo aan haysan oggolaanshaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Tayordhowrka Soomaaliyeed (HTS).

Ogeysiiska, oo waafaqsan qoddobka 59-aad ee Sharciga Isgaarsiinta, waxa uu xoogga saarayaa muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarkan si loo xaqiijiyo suuq caddaalad ah oo lagu tartamo, loona ilaaliyo macaamiisha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii labada hay’adood ay si wadajir ah u qabteen munaasabad ay ku kala saxiixanayeen isfargarad ay labada dhinac isaga kaashanayaan sidii loo xaqiijin lahaa tayada qalabka isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Mudane Xuseen Culusow, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada. Isafgaradkan waxaa HIQ u saxiixay Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, halka HTQ ay u saxiixday Maareeyaha Guud, Marwo Xaawo Xasan.

“Dhammaan qalabka isgaarsiinta – iyadoon loo fiirin meesha uu ka yimid – waa inay maraan nidaamka oggolaanshaha looga baahan yahay ee Hay’adda,” ayuu yiri Md Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ. Nidaamkan ‘Hubinta Qalabka (Type Approval)’ wuxuu hubinayaa in qalabku buuxiyo heerarka loo baahan yahay oo ah in aanu keenin khatarro caafimaad oo suurtagal ah ama inuu shucaac ku furo adeeg-bixiyeyaasha kale.”

Ogeysiiskan wuxuu sidoo kale intaas ku darayaa in qalab kasta oo isgaarsiineed oo hadda la isticmaalo, oo aan wali HIQ rukhsad ka helin, ay tahay in si degdeg ah loogu soo gudbiyo si shahaadada oggalaanshaha loo helo. Ku-guuldarreysiga in loo hoggaansamo nidaamkan waxa ay jebinaysaa sharciga, waxayna sababi kartaa carqalad weyn oo ku timaadda guud ahaan kaabayaasha isgaarsiinta.

“Waxaa muhiim ah in la fahmo in qalab kasta oo isgaarsiineed oo ay maalgeliyaan shirkadaha Isgaarsiinta iyaga oo aan oggolaansho sax ah ka haysan Hay’adda loo aqoonsan doono sharci darro,” ayuu yiri Md Mustafa Yaasiin, Maareeyaha Guud ee HIQ. “Hay’addu waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si loo hubiyo u-hoggaansanaanta, oo ay ku jiri karaan ganaaxyo, iyo xitaa kala-noqoshada rukhsadda, marka loo arko inay habboon tahay.”

Shirkadaha isgaarsiinta waxaa sidoo kale lagu wargelinayaa in HIQ aysan mas’uul ka noqon doonin wixii khasaaro ah oo ka yimaada isticmaalka sharcidarrada ah ee qalabka aan la fasixin, oo ay ku jiraan teknoolajiyadda cusub, sida 5G. Waa mas’uuliyadda shirkadaha Isgaarsiinta iney u hoggaansamaan heerarka iyo tilmaamaha la ansixiyay si loo ilaaliyo hufaanta iyo xasilloonida shabakadda isgaarsiinta.

HIQ waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee shatiga leh inay dib u eegaan agabkood isgaarsiinta oo ay billaabaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si loo hubiyo u hoggaansanaanta shuruudaha sharciyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -