Iska horimaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Ciidamo la sheegay iney ka wada tirsan yihiin kuwa dowlada federaalka ayaa maanta iska horimaad hubeysan waxaa uu ku dhexmaray Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa bilowday ka dib markii muran aan la ogeyn waxa uu salka ku hayey uu soo kala dhex galay askar wada socotay oo gudaha suuqa ku sugnaa.

Intii ay socotay rasaasta ay isweydaarsanayeen ciidamada ayaa waxaa laga cararay qeybo ka mid ah suuqa oo khal khal amni laga dareemay.

Goob joogeyaal ayaa sheegay iney arkeen meydka qof shacab ah iyo dhaawaca labo kale oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey oo daqiiqado kooban socotay.

Lama oga inuu jiro khasaare intaas ka badan oo ka dhashay iska horimaadkan, balse ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa halkaas gaaray kuwaasoo xaalada ku soo celiyey degenaan.

Iska horimaadyada sidan oo kale ah ee dhexmata ciidamada dowlada ayaa inta badan ka dhaca suuqyada, jidadka iyo goobaha kale ee dadku ku badan yahay, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka goobahaas ka dhow, kaasoo aysan jirin cid dib dambe isku soo hadal qaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -