(Daawo Sawirro) Yoweri Museveni oo markii lixaad Madaxweyne loo dhaariyey

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas.

Museveni ayaa ku guuleystay doorasho uu muran badan ka dhashay oo ka dhacday Uganda bishii January ee sanadkan.

Waxaana sii weyn loo adkeeyay amniga Magaalada caasimadda ah ee Uganda oo illaa shalay ay ku qulqulayeen madax afrikaan ah oo lagu casuumay caleemo saarka Museveni.

Waxaa caleemo saarka madaxweynaha Uganda ka qeybgalay madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo South Sudan, Namibia, Zimbabwe iyo qaar kale.

Booliska Uganda waxay sheegeen inay xireen in ka badan 40 qof oo qorsheynayay inay carqaladeeyaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha oo maanta ka dhaceysa Kambala.

Museveni ayaa sanadkii 1979 gacan ka gaystay in awoodda laga tuuro Madaxweynihii hore ee Uganda Idi Amin, Wuxuuna xukunka dalkaas la wareegay sanadkii 1986-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -