Saciid Ciise: “Somalia waxaa u fiican hanaanka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen”

Jamhuuriyadda Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya burbur dowladnimo, waxaana sida badan ku gadaaman dhibaatooyin aad u badan oo dhaliya xasarado ay ka curtaan xaalado deg dega, waxaana la gudboon dalka ay ka jirto xaaladahaas halistoodu badan tahay inuu yeesho hogaamin xooggan oo dalka, dadka iyo dowladda si xooggan si wadajira isugu hayn kara, waxeyna tilmaantaas ay dalka Soomaaliya mudnaan u siineysaa in ay yeelato hanaanka ay ku hogaaminayaan jamhuuriyadda madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Hanaankaas ku saleysan hogaaminta madaxweynaha wuxuu waajib ka dhigayaa in madaxweynaha uu soo doorto ku xigeenkiisa, islamarkaasna ay labadooduba ku yimaadaan doorasho toosa oo ay ku guuleystaan iney ku helaan codbixinta  dadweynuhu intooda badan, taasna waxey madaxweyna ay dadku sida tooska ah u soo doortaan ay awood iyo heybad xooggan u siineysaa hogaaminta madaxweynaha inuu noqdo madaxa xukuumada iyo madaxweynaha jamhuuriyadda oo labadaas xilba aysan jirin cid kale oo ku faregelin karta hawshiisa ama kula xisaabtami karta maamulida xukuumadiisa, wuxuuna yahay hogaamiyaha sida buuxda ugu madaxbanaan meelmarinta maamulka xukuumadiisa iyo hogaaminta dalka.

Golaha sharci dejinta awood uma laha iney madaxweynaha u yeertaan ama kala xisaabtamaan maamulida xukuumadiisa iyo hogaaminta dalka, wuxuuna madaxweynuhu leeyahay awoodo aan lagala xisaabtami karin, sida awooda uu ciidanka ugu yahay taliyahooda guud, awooda sare ee uu keligiis ku hogaaminayo siyaasadda arrimaha dibeda iyo xiriirka heshiisyada shisheeyaha, awooda uu dembiyada uga cafinayo maxaabiista, awooda uu ku magacaabanayo la taliyeyaasha iyo shaqaalaha kala shaqeynaya hawlaha xukuumadda, iyo awooda uu u leeyahay inuu u adeegsado diidmada xayaxan (Veto) sharciyada ay soo gudbiyaan baarlamaanka oo aan raacsaney maslaxada danaha xukuumadiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka awood uma lahan iney kala diraan xukuumadda ama ay ridaan wasiirada ama ay kala noqdaan xukuumadda codka kalsoonida, waxa keliya oo ay awoodaan waa iney hubiyaan wasiirada magacaaban iney yihiin kuwo damiirkooda wadaniyadood ay fiican yihiin oo aan dalka wax dembiya ka soo gelin iyo iney la wadaagaan madaxweynaha iney ogolaanshahiisa ugu soo gudbiyaan talooyin sharciyadeed amaba ay awoodaan iney madaxweynaha ku sameeyn karaan mooshin xil ka qaadisa oo ku timaada xaalad aad u dhifa oo u baahan cadeymo dembiyo culus oo uu galay ama xil gudasho la’aan ka dhalatay caafimaaddaro aad u liidata ama in wakhtiga xil hayntiisu ay ka dhamaatay, wuxuuna mooshinkaas uu baarlamaanka labadiisa aqal mid kasta uu ansax ka noqonayaa kadib marka 2/3 xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare ay mid walba meelmariyaan.

Baarlamaanku waxey xoojin karaan xakameynta awooda xad dhaafka ah ee uu madaxweynuhu ku qaadanayo go’aanada masiiriga, waxaana aad u adag in madaxweynaha xil ka qaadis lagu sameeyn karo inta uu ka dhamaanayo wakhtiga xil hayntiisu xataa hadii lagu soo eedeeyo kartixumo xil gudasho la’aana ama xataa haddii lagu soo eedeeyo in inta badan ay dadweynuhu diidan yihiin siyaasadahiisa uu dalka ku hogaaminayo, ama xataa haddii lagu soo eedeeyo in siyaasadihiisu aysan waxtar badan u lahayn adeegyada dadweynaha, waxeyna wax walba ku xiran yihiin inuu dhameysto wakhtiga u mudeysan xil hayntiisa oo ay kadib dhaceyso doorashada loogu tartamayo xilkiisa, markaas oo uu abaalmarin ama ciqaab dadweyne uu muteysanayo.

Hanaanka madaxweynaha wax badan ayuu ka waxtar badan yahay hanaanka baarlamaanka, waxaana ka mida faa’idooyinkiisa in laanta fulinta uu hal hogaamiye keliya uu socodsiinayo, in madaxweynaha uu awood badan u leeyahay inuu u adeegsado wadajirka dalka isku xajintiisa, in doorasho madaxweyne oo dimoqaradiya ay dadku si toos ugu codeynayaan, in hogaamiyaha dalka aan si fudud lagu bedeli karin, in laga helayo degenaansho siyaasadeed oo salka ku haysa mudada go’an oo uu madaxweynuhu xilka hayn karo iyo tirada xadidan inta jeer ee uu dib xilka ugu tartami karo, in hayadaha fulinta iyo sharci dejinta ay si buuxda u kala madaxbanaanaanayaan, iyo inuu madaxweynaha uu si deg dega uga falcelin karo xalaaladaha deg dega isagoon ogolaanshiyo ama wadatashiyo uga baahan baarlamaanka.

Hanaanka madaxweynaha waxaa ka reeban in hayada fulinta ay ka shaqeeyaan hawlwadeeno ka tirsan baarlamaanka ama garsoorka, waxeyna fursadaas madaxweynaha ay awood dheeriya u siineysaa inuu golahiisa wasiirada ku soo xusho kartida iyo aqoonta ay u leeyihiin wasaaradaha ay maamulayaan iyo iney daacad u yihiin hogaamintiisa, waxaana xildhibaanka doonaya xilka wasiirnimada horyaala inuu iska casilo xildhibaanimada ama ka tanaasulo xilka wasiirnimada oo aysan suurtogal ahayn inuu labadooda isku wada haysto, waxaana sidoo kale aan hanaankan laga aqoon isku shaandheynta golaha wasiirada oo inta badan dhalisa arbushaad ku timaada habsami u socodka hawlaha xukuumadda.

Hanaanka madaxweynaha heerkiisa ugu wanaagsan wuxuu ku jiraa marka uu dalku leeyahay laba xisbi oo waaweyn oo u qeybsamaya xisbiga talada dalka haya iyo xisbiga mucaaradka, waxeyna madaxweynaha awoodiisu ay aad u xooggeysaneysaa marka xisbigiisu uu helo kuurasta ugu badan ee baarlamaanka, waxaana taas bedelkeeda awooda madaxweynaha yareyneysa marka uu xisbiga mucaaradka uu yeesho aqlabiyada kuraasta baarlamaanka, waxaase loolanka labada xisbi jiritaankooda ka waxyeelo badan marka ay dhacdo in dalka ay ka jiraan xisbiyo badan oo ku yimaada hanaanka doorashada loo yaqaano (Proportional Representation), kuwaas oo jiritaankoodu uu qasbayo in dhismaha xukuumada ay ku tiirsanaato isbaheysi ay talada dalka ku wadagaan xisbiyo badan, taas oo halista ugu badan ay ka dhalato marka xisbiyada mayalka adag ay intooda badan ku hanjabaan iney xukuumadda isaga baxayaan haddii aan loo yeeliin ajendeyaashooda xagjirno, kuwaas oo ay adag tahay iney aqbalaan xisbiyada kale dabadeedna ay taas inta badan horseedo burbur ku yimaada cimriga ay jiri karto xukuumadda ku dhisanta xisbiyada badan.

Hanaanka Madaxweynaha ayaa waxaa xukuumadda si buuxda u hogaaminaya madaxweynaha, waxaana Madaxweynaha la xisaabtami kara dadweynaha doortay oo keliya, waxeyna shacabku la xisaabtankiisa ku muujinayaan codbixintooda oo ay ama ku taageerayaan doorashada dib u soo noqoshadiisa ama ay codbixintooda uga soo horjeesanayaan oo ay cid kale ku taageerayaan, waxeyna kalsoonida shacabka ay ku xiran tahay sida xaafiiska madaxweynaha iyo hawlwadeenadiisuba ay ra’yiga dadweynaha u tixgeliyaan oo ay dadweynaha rayidka ah uga qeybgeliyaan hawl maalmeedka madaxtooyada, waxeyna taas madaxweynaha ka xijaabeysaa in lagu tilmaamo inuu leeyahay habdhaqanka kelitalisnimada oo ah inuu ku sifoobo hogaamiye ka xarig furtay rabitaanka shacabka iyo kan baarlamaanka, balse waxaana inta badan saxa in madaxweynaha ay tahay inuu taladiisa ku socdo, maxa yeelay waxaa sida badan suurtogala in caqliga ugu wanaagsan ee maslaxada hogaaminta dowladda aysan inta badan fahamkeeda aysan lahayn shacabka oo laga yaabo in rabitaankooda uu ku xoogan yahay waxyaabo dhalanteeda oo doonistooda ay ku weyn tahay.

Hanaanka madaxweynaha waxaa dalka gudahiisa ka reeban in magaca madaxweynaha cid kale ay isticmaasho, waxaana magaca madaxweynaha adeegsan kara oo keliya madaxweynaha jamhuuriyadda oo darajadaas isaga keliya ayey qaas u tahay, waxeyna dhamaan madaxda maamul goboleedyada ay adeegsanayaan magaca gofernatooraha oo iyaga keliya u qaasa, waxaana sidoo kale meesha ka baxaya in dowladaha maamul goboleedyada ay yeeshaan gole wasiiro iyo hayado ku magacaaban wasaarado, waxaa kaloo aysan yeelan karin ciidan aan ahayn booliska degmooyinka iyo kuwa booliska maamul goboleedka, waxaana sidoo kale maamul goboleedyada gacantooda ka baxaya awooda ciidanka ilaalada xuduudaha wadamada deriska la ah iyo arrimaha la xiriira socdaalka soogelida dalka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -