Ciidamadii shalay gadoodka ka sameeyey Muqdisho oo dhamaantood xabsi lagu guray

Waxaa xabsiga loo taxaabay ciidamo ka tirsanaa Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya oo shalay xirtay  wadada u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareysay illaa 50 askari ayaa ka cabanayey mushahar la’aan heysatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay sida ay warbaahinta u sheegeen.

Saraakiil ka tirsan Nabad sugida oo shalay la hadlay ciidamada gadoodsanaa ayaa ku qanciyey iney heli doonaan mushaharka ka maqan, ayna joojiyaan gadoodka, iyagoo qoryahana ka dhigay.

Warar soo baxaya oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamadaas markii qoryaha laga dhigay ka dib dhammaantood lagu guray xabsiga, iyagoo aan helin xuquuqdii ka maqneyd, waxaana jira warar kale oo sheegaya inuu jiro qorshe shaqada ciidanimo looga saarayo.

Askartan la xiray ayaa qeyb ka ahaa 100 askari oo taliska ciidanka NISA uu geeyey dhowaan garoonka dayuuradaha Dayniile ee magaalada Muqdisho si ay amaanka garoonkaas u xaqiijiyaan.

Ciidamadii kale ee ku haray garoonka dayniile ayaa markii ay maqleen in saaxiibadood la xirxiray, isaga tagay shaqadii ay ka hayeen halkaas iyagoo iska aaday guryahooda ka dib markii ay garan waayeen wax kale oo ay sameeyaan, si ay xuquuqda ka maqan u helaan maadaama saaxiibadood xabsi lagu guray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -