Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gudaha Masaajid (Daawo Sawirro)

Dad badan ayaa ku dhintay qarax xoogan oo maanta ka dhacay gudaha masjid kuyaala gobolka ku yaala bariga dalka Afgaanistaan ee Nangarhar, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad kale oo badan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili la isku diyaarinayay salaada jimcaha, waxaana qaraxa oo ahaa mid xoogan uu sababay in soo dumaan qeybo badan oo kamid ah masjidkja.

Inta la xaqiijiyay 28-qof oo kamid ahaa jameecada masaajidka ayaa qaraxa ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay maamulka gobolka Nangarhar.

Qaraxan wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana inta badan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca dalka Afgaanistan sheegta kooxaha islaamiyiinta ee Taalibaan iyo kooxda Khilaafada Isklaamka ee Daacish.

- Advertisement -